DAAWO SAWIRRO: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo laba Codsi hordhigay xildhibaanada Hawiye

0

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Kulanka oo ahaa is barasho iyo wadatashi ayaa  Raiisal  wasaare Kheyre wuxuu xildhibaanada beeshiisa hordhigay laba qodob oo codsi ah.

Qodobka koowaad ayaa ahaa inay codkooda siiyaan oo kalsoonida Baarlamaanka siinayo qeyb ka qaataan, halka qodobka labaad uu ahaa inay la shaqeeyaan iyagoo isku duuban.

Dhowr xildhibaan oo fadhiga ka hadashay ayaa balanqaaday  inay taageerayaan Ra’iisal wasaaraha cusub. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay Xasan Cali kheyre uu yahay aqoonyahan ku haboon in uu hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO