Wednesday, June 25, 2025

DAAWO SAWIRRO: Shirkadda Diyaaradaha ee Air Djibouti oo dib loo howlgeliyay

Shirkadda Diyaaradaha rasmiga ah ee Air Djibouti  ayaa yeelatay diyaarad rakaab qaaday, iyadoo mudd 14-sano ay howlgab ahayd ayaa xaflad dib loogu howlgelinayo diyaaraddaasi lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarigga furay diyaaradda cusub ee rakaabka ee Shirkadda Air Djibouti oo la shaaciyay inay billowday duulimaadyo ay ku tegeyso dalal kala duwan, diyaaradan cusub Air Djibouti ku howlgaleyso ayaa ah nooca Boeing 737-400.

Air Djibouti oo loo yaqaanay diyaaradda Badda Cas oo calaamadeedu tahay Casaanka ayaa la aasaasay 1963-kii, xilli Jabuuti ay ku jirtay gumeysigii Faransiiska, waxayna ka mid ahayd Shirkadaha diyaaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika, waxayse kacday sanadkii 2002, iyadoo ku soo koobantay dhinaca xamuulka oo dib u bilowday 2015.

Diyaaradan cusub Air Djibouti  ayaa lagu wadaa inay duullimaadyo ku tagto Magaalooyinka Adiss ababa, Nairobi, Mogadishu, Dubai, London, Paris iyo magaalooyin kale.

DAAWO SAWIRRO

Airjabuti1

Airjabuti

Airjabuti2

Airjabuti3

Airjabuti4

Airjabuti5

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON