Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku soo dhoweeyay duulimaadkii ugu horeeyay ee toos uga taga magaalad Muqdisho oo maanta caga dhigtay Nairobi.
Mas’uuliyiinta waxaa horkacayay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi.
Tallaabadan ayaa ka mid ahayd heshiis ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo markan la fuliyay.
DAAWO SAWIRO
Goobjooge.com