Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku wareejiyay 52 Gaari oo waaweyn iyo Warshadaha dhismaha oo loogu talagalay in lagu hormariyo Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay garab taagan dadka Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ay wadaan mucaawino loogu talogalay dadka abaartu halakeysay ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka mahad celiyay deeqda gaadiidka iyo qalabka ee dowladda Turkigu siisay maamulkiisa.
SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM