Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad tacsi ah ka ka jeediyay munaasabadii loogu baroor diiqayay askartii Kenya looga dilay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Munaasabadda oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Nayjeeriya wuxuu Xasan Sheekh geesiyaal ku tilmaamay askartii Kenya laga dilay.
“Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan u murugooneyno inaan sii macsalaameyno geesiyaashii dagaalka nooga dhintay, sabab bini’aadanimo aniga hadaan ahay Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Somalia waxaan safar usoo galay oo halkaan u imid inaan qosysaska iyo dowladda u muujino tacsi…”
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO-GA