Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachel Omamo iyo taliyaha ciidamada dalkaasi General Samson Mwathethe ayaa la arkay iyagoo ilmeynaya xili ay soo dhoweynayeen meydadka askartii looga dilay weerarkii Alshabaab ee Ceelcade.
Labada mas’uul oo tan iyo intii arrintan dhacay soo taagnaa garoonka Wilson oo mar waliba soo dhoweynayay ciidamo dhaawac ah kuwa lasoo badbaadiyay iyo qaar dhintay ayaa isbedel xoog leh laga dareemay iyo murugo markii xalay garoonka laga dejiyay naxashkii meydadkii ugu horeeyay ee askarta Kenya.
DHINACA SARE KA DAAWO SAWIRADDA
Goobjooge.com

Goobjooge.com