Kadib dadaal xoog leh oo ay galeen gaadiidka dab-damiska, dadweynaha iyo ciidamad ammaanka ayaa lagu guulestay in la damiyo dab ka kacay suuqa Bakaaraha.
Dabka ayaa mar kale haleelay suuqa Khaliifa ee ku dhex yaala Bakaaraha, waxaana jira qasaare kala duwan, laakiin waa si degdeg loogu guuleystay in la bakhtiiyo dabka.
Dadweyne fara badan oo suuqa ku xoomay kadib markii ay maqleen dabka qabsaday ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda.
Dabkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo saddex bilood ah suuqa Bakaaraha qabsaday, waxaana inta badan loo aaneeyaa inay dabka dhaliso koronto.
Goobjooge.com