Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay koox hubeysan oo saaka fal dil ah ka geysatay degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir, iyadoo dishay labo qof.
Dadka la dilay ayaa saarnaa Mooto Bajaaj, waxaana lagu eryadan Mooto kale oo rag hubeysan ay saarnaayeen, iyadoo rasaas lagu furay, kadibna ay geeriyoodeen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar xalane ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay soo qabteen labo nin oo ka dambeeyay Dilka labada ruux ee Shacabka ah isla markaana hadda ay gacanta ugu jiraan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Ragga gacanta lagu soo dhigay lagu soo qabtay Hubkii ay wateen.
Goobjooge.com