Sunday, June 22, 2025

Dabley Dil khaarijin ah ka fulin rabtay Muqdisho oo la qabtay iyo Is-rasaaseyn dhex martay Ciidamada..

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay dabley bistoolado ku hubeysan oo la sheegay inay dil qorsheysan fulin rabeen agagaarka suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

Dableydan oo ka koobneyd 3 qof ayaa wadatay Gaari yar oo nooca raaxada ah, wuxuuna iska hor imaad ku dhex maray ciidamada Amniga Isgoyska Howlwadaag ee u dhow Suuqa weyn ee Bakaaraha, caasimadda Muqdisho kadib markii laga shakiyey.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mida dableyda lagu dhawacay is-rasaaseyn dhex martay ciidamada Booliska, waxaana markaas kadib gacanta lagu dhigay saddexda dableyda ah oo midkood la dhaawacay.

Ad

Xaaladda Isgoyska uu iska hor imaadka ka dhacay ayaa caadi ku soo laabatay markii muddo daqiiqado ah uu xirmay. Hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa weli ka hadlin arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON