Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in koox dabley ay haweeney u dhalatay dalka Talyaani, una shaqeysa hay’ad gargaar ku afduubtay magaalada Kilifi ee Koofurta Bari ee dalka Kenya.
Booliska Kenya ayaa sheegay in dableyda ay ku hubaysnaayeen qoryaha fudud, iyagoo rasaas furay intii aysan kaxaysan haweeneyda oo la sheegay inay da’deedu tahay 23 ano jir, waxayna si mutadawacnimada ah uga shaqaynaysay magaalada Kilifi, gaar ahaan ururka loo yaqaan Africa Milele Onlus, oo ah urur la dagaalama aqoon la’aanta.
Shan qof, oo laba ka mid ah carruur yihiin ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu afduubtay haweeneyda Talyaaniga ah, kuwaasoo loo qaaday isbitaal. Lama oga sababta weerarka iyo dableyda ka afduubtay geysatay.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dableyda falka geysatay loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab, oo weerarka ku qaaday xarun loo dukaameysi tago ee Chakama oo ku talla magaalada Kilifi County.
Saraakisha Boolisku Kenya ayaa falkaasi ku tilmaamay mid argagixiso, wuxuuna werarku dahcay xalay, iyadoo ciidamo badan la geeyay degaankaasi.