Qalalaase gaaray heer iska hor imaad ayaa ka dhashay arrinta Haamaha Shidaalka ee Berbera oo xukuumadda Somaliland ay ku wareejiyay shirkado ganacsi oo gaar ah iyadoo uu diiday Baarlamaanka Somaliland ee Golaha Wakiilada loo yaqaan, waxaana dhacday in Booyad shidaal oo mareysay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera ay maanta dabley hubeysan weerar ku qaadeen iyagoo rasaas ku asqeeyay.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar ayaa xaqiijiyay dhacdada cusub ee arrinta Haamaha Berbera ku soo korortay. Waxaana la sheegay maalmihii danbe ay jirtay dabley isku urursatay oo ka careysay tallaabad ay xukuumadda Siilaanyo ku wareejiyay Haamaha Berbera, shilal kale oo rasaas ka dhacday ayaa laga soo weriyay maanta wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada Sheekh.
Maamulka Gobolka Saaxil ayaa ku goodiyay inay aqoonsadeen dhallinyarada wadooyinka ka baxa Berbera gashay ee qalalaasaha ka wada loo diray ciidamo tallaabo ka qaada. Arrintan ayaa ka sii dareysa iyadoo loo aaneynayo in xukuumadda Siilaanyo ay mas’uu la ka tahay sharci darrada.
Dadka reer Berbera ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka xukuumadda Siilaanyo ku wareejisay Haamaha Keydka shidaalka ee Berbera shirkado ganacsi iyadoo aan tartan furan u marin, waxayna arrintani keentay kacdoon hubeysan.
Goobjooge.com