Monday, June 23, 2025

Dableyda Alshabaab oo afduub u qabsaday dad ku jiray Hotelka Naasa-hablood

Dabley ka tirsan kooxda Alshabaab oo galabta weerar ku galay Hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho kadib weerar qarax weyn oo is-miidaamin ahaa ku bilowday ayaa la sheegay inay dad ku qabsadeen Hotelka gudihiisa oo ay afduub ku heystaan.

Sida ay soo weriyay Wakaalada Wararka AP, dableyda Hotelka qabsatay qeybo ka mida ayaa afduub u heysata dadkii ku jiray hotelka qaarkood, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Booliska.

Lama oga tirada dadka lagu heysto Hotelka oo weli rasaas ka socoto, laakiin ma aha arrin looga bartay dableyda Alshabab ee weerarada ku qaada Hoteelada Muqdisho, kuwaasoo ujeedkooda oo kaliya yahay inay dilaan tirada ugu badan dadka ay dili karaan.

Ad

Dableyda ku jirta Hotelka ayaa tiradooda lagu sheegay afar, kuwaasoo ah galay hotelka kadib qaraxii weynaa ee lagu burburiyay iridka hore ee Hotelka.

Qasaaraha weerarka Hotel Naasa-hablood ayaa sii kordheysa iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 12 ruux iyo dhaawac ka badan 20 kale.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON