Dowladda Federaalka ayaa dacwad ku soo oogay Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegta inuu hoggaamiyo ururka Saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ.
Qoraal ka soo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu soo bandhigay dacwad dhanka ah Cumar Faaruuq, waxaana ka mid sumcad dilis wasiirka Warfaainta iyo ruqsad la’aan inuu shir ku qabtay magaalada Muqdisho 3-dii May 2017.
Xeer ilaalinta ayaa ku amartay inuu Cumar Faaruuq tago xafiiskeeda, waxayna arintan ka mid tahay dood iyo is qabsi soo taxnaa muddo dheer oo ku saabsan cidda sharciga ah laba dhinac oo ururka NUSOJ wada sheegaya.
Dowladda Federaalka ayaa hore u sharciyeysan ururka NUSOJ ee uu hoggaamiyo Maxamed Ibraahim Macalimuu, iyadoo ay xaaladu tagtay maxkamadda sare, laakiin waxaa mar waliba soo taagneyd saameynta dowladda ku leedahay ururkan.
AKHRISO QORAALKA