Friday, June 27, 2025

Dacwadii Mareykanka ku soo oogay Sheekh Maxamed Idiris oo maanta dib u bilaabaneysa [Warbixin]

Dacwad dowladda Mareynanka ku soo oogtay Sheekha Daaciga weyn ee Soomaaliyeed, kuna nool dalka Markeykanka Sheekh Maxamed Idiris ayaa dib uga bilaabaneysa maanta oo Talaado, iyadoo ay xilliyo badan oo martay dacwadan oo soo bilaabtay 2012.

Sheekh Maxmed Idiris dacwadda lagu heysto ayaa ah in dowladda Mareykanka ay dooneyso inay kala noqoto waraaqaha Aqoonsiga Mareykanka (Citizenship), si markaasi loogu soo oogo dacwooyin kale, waxaan Sheekha oo laba qareen loo qabtay ay hadda dacwadu mareysaa heer gabagabo ah.

SHEEKHA AYAA WARBIXINTAN HOOSE UGA HADLAY DACWADDA MAANTA DIB U BILAABANEYSA


Warbixinta Maxkamadii
=================
Walaalayaal asxaab badan ayaa isoo weydiineysa maxkamadii igu socotey iyo xaalkeeda. Maanta waxaan la kulmay qareenadii wexeyna ii sheegeen Maxkamadii u dambaysey inshallah ee aan ku kala bixilahayn iney dheceyso waqtigii aan horay idiin ku sheegay oo ah bishan April 26, inshallah, waa talaadada inagu soo aaddan, laba maalin ayeyna u badantahay iney socoto ilaahay idankii.
Wax wel wela ma jiraan inshallah, ilaahayna waa nooga hiilinayaa inshallah, dacwana uma istaageyso, haddadan aan idin qorayana waxaan saarnahay wadada oo waxaan u socdaa Kansas City oo aan khudbada Jimcaha iyo Muxaadarooyin sabti iyo axad ku leeyahay inshallah.
Ducadana soo wada Allaha idin barakeeyo.

Sheekh Maxmed Idiris ayaa ah Sheekh caan oo si weyn u adeegsada baraha bulshada ku xiriirto siiba FACEBOOK, isagoo xilli kasta u taagan wacyi gelinta umadda.

Sheekha ayaa ka mida aasaasayaasha Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America oo dadaal badan ugu jira in dacwada lagu soo oogay ay ka guuleystaan, waxaana sii kordhaya kharashka fara badan ee ku baxaya difaaca Sheekha oo Soomaalida oo dhan loogu baaqay inay ka qeyb  qaataan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON