15 qof ayaa ku dhintay Xero dad barakacayaal ay ku noolyihiin oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Xeradan waxaa gacanta ku haya maamula maamulka gobolka Banaadir oo dadkaasi halkaas dejiyay, kuwaasoo ka mida saddex xero oo laga sameeyay degmada Kaxda.
Dhimashada dadkan ayaa timid markii Maamulka Gobolka Banaadir oo xeryahan cuntada siin jiray, ay joojiyeen quudintii dadkaasi afartii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay soo weriyay Goobjoog FM.
Maamulka Xerada ayaa sheegay inuu ka dilaaceen cudurro ay ka mid tahay Jadeecada, waxaana ka howl-gala laba dhaqtar oo keliya oo la sheegay inay maalintii qaabilaan bukaano 60 ka badan.
Guddoomiyaha xerada Kaxda ayaa isna sheegay in 15 qof ay xerada ku dhinteen “Xeradan waxaa geeriyootay illaa iyo hadda 15 qof, 9 ka mid ah waxaa ay u geeriyoodeen nafaqo darro, inta kale xanuun jadeeco iyo dhiig la’aan ayey u dhinteen, qaarkood istaagga ayey ka dhaceen….dhibka ay dareemayaan waa baahi, 24-kii saac hal mar ayey wax cunaan, raashinkii halka mar la cuni jiray xitaa muddo 4 maalmood ah lama haayo” ayuuna yiri.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku howlan yahay qabanqaabada xafladda maalinta 15 May ee dhalinyarada, isla markaana kumanaan doolar ku bixinayo qurxinta magaalada iyo Boorara fara badan oo lagu xardhayo wadooyinka magaalada.
Goobjooge.com