Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabelelaha Hoose ayaa sheegaya in barakac weyn uu ka socdo magaaladaasi oo dadweynihii deganaa magaalada ay go’aansadeen inay isaga qaxaan kadib falal dilal ah oo ku soo noqnoqday magaalada.
Barakaca dadka magaalada Marka oo ah kii ugu weynaa ee ka dhaca magaaladaasi muddooyinkan ayay dadku u kala socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo degaanada kale ee Gobolka Sh/hoose, waxayna dadka qaxaya saxaafadda u sheegeen inaysan suuragal ahayn inay sii joogaan magaaladaasi.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay guryaha ugu galeen mar waliba oo qarax lala beegsado, waxaana dadka ku dhintay magaalada laba shil oo ka dhacay ay ka badan yihiin 25 ruux.
Magaalada Marka ayaa waxaan ka jirin maamul shaqeeya oo degmadaasi ay leedahay iyadoo dagaalo beeleed oo hore uga dhacay ay magaalada ka dhigeen meel maamul la’aan ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]