Wararka laga helayo dowlad degaanka Soomalaida ayaa sheegay in dad gaaraya 11 ruux oo Soomaali ah lagu laayay gobolka Siti ee dalka Itoobiya.
Sida uu xaqiijiyey Wasiirka warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Mawliid dadka Soomaalida ah ay laayeen maleeshiyo kasoo jeeda dadka Cafarta oo aad u hubaysnaa, iyadoo halkaasi lagu dhaawacay in ka badan 40 kale.
Maamulka Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa bilaabay baaritaan ku aadan sababta dhalisay in la laayo dadka Soomaalida ah, iyadoo labada dhinac ay ka dhaxeeyaan xiisado ku saabsan xuduud goboleedyo degaanadaasi ku sii xoogaystay degannada Soomaalida ee u dhow Gobolka Cafarta.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya ina xaaldda degaalka dilku ka dhacay ay kacsan tahay iyadoo xiisado qowmiyadeed oo cusub ay hareeyeen Soomaalida iyo Cafarta.