Friday, June 27, 2025

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Caabudwaaq

Laba qof ayaa ku dhintay, qaar kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku dhex maray ciidamo madani ah oo dadka degaankaasi u sameeyeen inay nabadda sugaan iyo maleeshiyo kale oo ka soo horjeeda kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada oo ciidamada Madaniga la dejiyay.

Cabud-Waaq

Maleeshiyada ayaa iyaduna ka mida dadka degaanka  Caabudwaaq waxaana iska hor imaadka oo saaka aroortii ka dhacay halkaasi uu magaalada ka dhaliyay xiisad colaadeed. Odayaasha iyo waxgaradka degmada ayaa ku dhex jira iyadoo dagaalku istaagay.

Wararka laga helayo Caabudwaaq ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka jirto kala qeybsanaan weyn oo ay dhaliyeen maamulada iska horjeeda ee Galmudug iyo Ahlu suna oo taageerayaal iska horjeeda ku leh Caabudwaaq.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON