Qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay ku dhinteen labo caruur ah oo isla dhalatay 3 sano iyo 5 sano jira iyo saddex qof oo kale, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray aabahood kadib qarax Miino oo ka dhacay dhinaca danbe ee xaruntii ay ka dhacday caleema-saarkii Axmed Madoobe.
Aabaha caruurta geeriyootay ayaa magaciisa lagu sheegay Mahad Gaarane Bu’aalle oo ahaa Aabaha dhalay carruurta geeriyootay, waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Kismaayo oo dhammaan dadkii qaraxa ku dhaawacamay la dhigay.
Qaraxan oo ka dhacay maqaayad ay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubba ku badan yihiin, waxaana dhowaanahan sii badanayay qaraxyada ka dhacaya goobaha ciidamada Jubba iyo saraakiisha kale ee maamulkaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]