Monday, July 14, 2025

Dad ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Gobolka Awdal ee Somaliland

Roobab waaweyn oo ka da’ay degaanka Dila ee Gobolka Awdal ayaa la soo weriyay inay geysteen dhimasho 6 ruux  ah iyo qasaare isugu jira burbur hanti.

Roobkan ayaa socday galabnimadii ilaa fiidkii xalay muddo dhan saddex saacadood ah, ayaa  daadad waaweyni ka dhasheen, waxaana dadka ku dhintay ay ahaayeen caruur iyo dad waayeel ah ayaa ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa sheegay in qasaare dhimashada uu yahay lix ruux. Daadadka dhaliyay ayaa jabsaday, balliyo ku yaalla dhinaca sare ee magaalada Dilla, waxayna xaaqeen goobo ganacsi ah.

Degaanada Gobolka Awdal ayaa ka mid ahaa meelaha ugu liita ee abaaruhu ku dhufteen, waxaana looga dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON