Monday, June 23, 2025

Dad lagu xirxiray iyo Bandow caawa lagu soo rogay Magaalada Jowhar

Maamulka Gobolka SH/Dhexe iyo magaalada Jowhar ayaa caawa bandow ku soo rogay magaalada Jowhar oo maanta ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo dadka degmadaasi ay uga horjeedeen askari dil ka geystay magaalada oo baxsaday, iyagoo ku baaqay in la soo xiro oo sharciga la hor keeno.

saldhiga_booliska_jowhar

Iyadoo xaaladu xoogaa degtay galabnimadii ayaa maamulku amar ku bixiyay inay Bandow tahay magaalada laga bilaabo maqribnimada ilaa aroortii, taasoo keenay in magaaladu noqoto meel dansan oo wax dhaqdhaqaaq ahi ka jirin.

Ad

Dhalinyaro fara badan ayaa la sheegay inay ciidamada maamulka xabsiga u taxaabeen iyagoo ku eedeynaya inay ka qeyb qaateen, soona abaabuleen bannaanbaxyadii maanta dhacay, waxaa sidoo kale la xiray laba weriya oo magaalada Jowhar ka howlgala kuwaasoo warar ku saabsan banaanbaxa tebiyay.

Guddoomiyaha Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule ayaa dadka reer Jowhar u sheegay inay xasiloonida ilaaliyaan oo joojiyaan rabshadaha, wuxuna balan qaaday in askariga falka dilka geystay lagu raad joogo oo lasoo qaban doono.

Lama oga inta bandowga socon doono, laakiin xaalada magaalada Jowhar ayaa kacsan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xaaladan oo kale ay ka dhacdo muddooyinkan.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON