Wasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in la qabtay qof looga shakisan yahay weerarkii habeen hore lagu qaaday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo lagu dhaawacay 4 askari oo ka mid ilaaladiisa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in baaritaan kadib loo qabtay qof looga shakisan yahay, iyadoo uu socdo baaritaano kale oo lagu raadinayo dadkii watay labadii mooto ee bajaajka.
Ciidamada Booliska iyo nabadsugidda magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii danbe ku guuleystay inay qabtaan dabley lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen weeraro ka dhacay Muqdisho.
Goobjooge.com