Ciidamada Booliska iyo nabadsugigga magaalada Baydhaba oo howlgalo ay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Baydhabo waxaa ay ku soo qab qabteen dad aad u badan oo qaarkood looga shakiyay Shabaabnimo.
Dadka la soo qabtay waxay sheegeen ciidamada Booliska in 6 ka mida lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Alshabab, iyadoo baaritaano dheeraa ah lagu sameynayo.
Saraakiisha NISA ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Lixda ruux baaritaan ka dib la horgeyn doono Maxkamad.
Olole lagu raadinayo dad looga shakisan yahay inay qas ka wadeen gobolka Baay oo ay ka ababulayaan falal amaandarro ah.
Goobjooge.com