Dad fara badan ayaa la soo weriyay inay ku dhinteen is buurasho ka dhacday bannaanbax ay dhigeen dadka Oromada ah oo sii wada mucaaradnimada dowladda dalkaasi.
Is-buurashada ayaa ayaa ka dhacday markii Booliska ay kala eryeen dad mudaharaad ka sameynayay goob lagu cibaadeysanayay. Dowladda Itoobiya ayaa qiratay in dad ay ku dhinteen rabshad ka dhacday magaalada Bishoftu ee gobolka Oromiya.
Goobta falku ka dhacay ayaa lagu arkay meydad badan oo la is dul saaran meel god ah oo u dhow goobtaasi, waxaana ilo wareedyo mucaaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaarayaan 50 qof.
Rabshadda ayaa la sheegay in ay bilaabatay ka dib markii ay dad mudaharaad samaynayay ay horjoogsadeen khudbado ay odayaal ka jeedinayeen goob lagu cibaadeysto.
Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmaheeda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.
Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.
Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.