Tuesday, June 24, 2025

Dad Shacab ah oo ku le’day Qarax Miino oo ka dhacay duleedka Degmada Afgooye.

Dad shacab ah ayaa ku le’day Qarax Miino oo haleelay gaari BL ah oo ay wateen agagaarka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

10 (5 Dumar ah iyo 5 Rag ah) qof oo la socday Gaariga ayaa ku dhintay qaraxa miinada oo ahaa Gaari ay socdeen dad Caanaha ka ganacsada, wuxuuna qaraxa ku qabsaday agagaarka tuulada Doonka, iyagoo ku soo socday Afgooye, waxaana dadka dhintay ay kala yihiin 8 qof oo shacab ah, darawalka Gaariga iyo Kirishbooygii, waxaana u badan ganacsatada caanaha keena Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baabuurka, darawalkii iyo kirishboygii ay wada dhinteen oo aysan cidna ka badbaadin, Gaarigiina uu halkaasi ku bas beelay.

Miinada jidka la geliyey ayaa wararku sheegayaan inay Alshabaab ugu talogaleen ciidamada dowladda ee jidkaasi adeegsan jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON