Friday, July 11, 2025

Dad Yuhuud ah oo lagu dilay Weerarro Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Israel

Iyadoo ay sii socdaan weerarrada dagaalyahannada Falastiiniyiinta ku qaadayaan Yuhuudda ayaa weerarkii ugu danbeeyay lagu dilay saddex qof oo Yuhuud ah.

Laba dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah ayaa xalay weerar Mindi loo adeegsaday ku qaaday magaalada Elad oo u dhow Tel Aviv, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, iyagoo dhaawacmay afar kale oo laba ka mida ay xaaladooda liidato.

Weerarka ayaa lagu tilmaamay fashil ku yimid Amniga Yuhuudda, waxayna Booliska Isreal sheegeen inay raadinayaan kooxihii falka weerarka ah geystay, iyadoo baadigoobka ay ka qeyb qaadaayaan diyaaradaha helicopter ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegantay xilli ay Yuhuudda u dabaal degeysay maalinta xorriyadda Israa’iil, waxayna qeyb ka tahay weerarro is daba joog ah oo Falastiiniyiinta ku qaadeen Dadka Yuhuudda ah, kadib xadgudubyadii Israa’iil ka geysatay Masjidka barakeysan ee Qudus.

Ururrada Falastiiniyiinta sida Xamaas iyo Jihaad Al-islaami ayaa soo dhoweeyay weerarka, kuna tilmaamay jawaab celin caadi ah oo la isaga caabinayo gumeysiga Yuhuudda.

Madaxweynaha maamulka Falasiin Maxmuud Cabbaas ayaa cambaareeyay weerarka lagu dilay dadka rayidka ah ee Yuhuudda, wuxuuna ka digay in la dhibaateeyo dadka Falastiiniyiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON