Talyaaniga ayaa laga soo weriyay in dadka u geeriyooday Coronavirys ay sare u dhaafeen maanta 10,000 qof, iyadoo ay weli socota tirinta meydadka cudurka oo si weyn ugu faafay dalkaasi.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Difaaca Dadweynaha Talyaaniga waxaa maanta la diiwaan geliyey 5,974 bukaan oo cudurka COVID-19 uu soo ritay, iyadoo guud ahaan dadka qaba cudurka ee gudaha Talyaaniga ay gaareen 92,472 qof, waxayna tirada geerida dalkaasi gaartay 10,023. 24-kii saac ee ugu danbeeyay waxaa Talyaaniga ku geeriyooday 889 qof.
Dhinaca Mareykanka oo noqday dalka ugu horeeya ee tirada ugu badan dadka qaba cudurkan ay ku sugan yihiin ayaa laga diiwaan geliyey geerida 410 qof oo cudurka qabay, iyadoo guud ahaan dadka u dhintay cudurka dalkaasi ay gaaren 1709.
24-kii saac ee ugu danbeeyay waxaa cudurka laga helay dalka Mareykanka dad gaaraya 18,848 qof, waxayna tirada guud gaartay 104,860. New York ayaa ah Gobolka ugu darran oo ay 24-kii ee u danbeeyay u dhintaan cudurka 144 qof, halka New Jersey oo kusoo xigta ay ku dhinteen 119 qof.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u yeeray ciidamada Kenya iyo ciidamada ilaalada Qaranka ee dalkaasi si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro cudurka Coronavirus, waxaana la filayaa in gobollo ay ka mid tahay New York lagu soo rogo xaalad degdeg ah.
Guud ahaan dunida waxaa xillgan cudurka Coronavirus qaba dad ka badan 600,000 (Lix boqol oo kun oo qof), waxaana cudurka kasoo bogsaday 131,000 qof, iyadoo ay u dhinteen 27,000 qof.
HOOS KA AKHRISO TIRADA DAL KASTA IYO CUDURKA CORONAVIRUS
[cov2019]
[cov2019all]