Wednesday, July 2, 2025

Dadka ku dhintay Qaraxyadii Sri Lanka oo ku dhow 300 qof & Dhaawaca 500 [Yaa ka danbeeyay..?]

Dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay dalka Sri Lanka ayaa sare u dhaafay 290 qof, kadib maalin ay dalkaasi jasiirada ah ruxeen qaraxayo si weyn loo diyaariyey oo ka dhacay hoteello waaweyn iyo Kaniisado oo lagu soo beegay maalinta ay dadka masiixiga u dabaaldegayaan ee Easter-ka loo yaqaan.

Qaraxyadii Axadii shalay ka dhacay ee dalka Sri Lanka oo 7 ka mida ay ahaayeen is-miidaamin ayaa ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa ayaa loo xiray dad gaaraya 24 qof, balse ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay weerarradaasi, waxaase lagu tuhunsan yahay urur islaami ah oo aan la aqoonin oo dalkaasi ka jira.

Dadka dhaawacmay ayaa gaaraya 500 qof, waxayna dadka Sri Lanka muddo 10 sano ah ku jireen nabadgelyo markii sanadkii 2009 uu dhamamaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi mudadda dheer ka socday.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Ranil Wickremesinghe ayaa sheegay inay hay’adaha amniga hayeen xogo ku saabsan weerarro dhici kara, balse aan wax tallaabo ah la qaadin ama la yareystay, waxaana dalkaasi lagu soo rogay bandow iyadoo la xayiray baraha bulshada.

Sri lanka waxay dadkeedu gaarayaan 22 Milyan oo qof, waxaanau badan qowmiyadd Senhalase-ka oo ah dad ku dhaqma diinta Buudiga oo ah 70% dadka dalkaasi, waxaana ku xiga Hindus-ka oo ah, waxaa ku nool dadyow laga tiro badan yahay sida muslimiinta oo dalkaasi ka ah 10%, kirishtaanka oo ah 7%

Police and locals inpect the damage and fataliaties in Katuwapitiya St. Sebastian church in Negombo
Shortly after those blasts were reported, police confirmed three hotels in the capital had also been hit, along with a church in the town of Batticalao, in the east of the country (pictured: Security forces outside St Anthony's Shrine)
Bags containing dead bodies are carried outside the St Sebastian's Church at Katuwapitiya in Negombo on Sunday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON