Waxaa sii kordhaya dadka u dhimaha cudurka uu keeno virus-ka Corona oo saacadihii ugu danbeeyay sare u dhaafay 800 qog, isagoo ka sare maray dadkii uu laayey cudurkii SARS ee dunida cabsida geliyey sanadkii 2003.
Coronavirus wuxuu hadda ku faafay in ka badan 25 dal, kuwaasoo ka baxsan dalkii uu ka bilowday ee Shiinaha, waxaana kiisas cusub lagas oo weriyey dalalka Malaysia, South Korea iyo Singapore. Sabtidii shalay waxaa dalka Shiinaha uu cudurkan soo ritay 350 qof, waxaana u dhintay 89 qof.
Shiinaha oo cudurkani ka bilowday ayaa curyaamiyey nolosha dalkaasi, waxaana xiran magaalooyin dhan. Gobolka Hubei oo kaliya waxaa cudurka laga helay 27,100, dunida oo dhan waxaa hadda curuka qaba in ka badan 37,000 qof. Tirada dhimashada ayaa gaartey 813 qof, iyadoo sii kordheysa.
Dalalka kalee ee dunida uu ku faafay cudurka iyo kiiska laga helay, waxay kala yihiin:
- Australia (ugu yaraan 15 kiis)
- Belgium (ugu yaraan 1 kiis)
- Cambodia (ugu yaraan 1 kiis)
- Canada (ugu yaraan 7 kiis)
- Finland (ugu yaraan 1 kiis)
- France (ugu yaraan 11 kiis)
- Germany (ugu yaraan 13 kiis
- Hong Kong (ugu yaraan 26 kiis, 1 dhimasho)
- India (ugu yaraan 3 kiis)
- Italy (ugu yaraan 3 kiis)
- Japan (ugu yaraan 90 kiis, waxaa ku jira 64 oo Markab lagu karaantiilay)
- Macao (ugu yaraan 10 kiis)
- Malaysia (ugu yaraan 16 kiis)
- Nepal (ugu yaraan 1 kiis)
- Philippines (ugu yaraan 3 kiis, 1 dhimasho)
- Russia (ugu yaraan 2 kiis)
- Singapore (ugu yaraan 40 kiis)
- South Korea (ugu yaraan 25 kiis)
- Spain (ugu yaraan 1 kiis)
- Sri Lanka (ugu yaraan 1 kiis)
- Sweden (ugu yaraan 1 kiis)
- Taiwan (ugu yaraan 17 kiis)
- Thailand (ugu yaraan 32 kiis)
- United Arab Emirates (ugu yaraan 7 kiis)
- United Kingdom (ugu yaraan 3 kiis)
- United States (ugu yaraan 12 kiis)
- Vietnam (ugu yaraan 13 kiis)