Sunday, June 22, 2025

Dadkii ay Somaliland kasoo tarxiishay Laascaanood oo lagu daadiyey duleedka Gaalkacyo (Sawirro)

Dadkii Soomaaliyeed ee maamulka Somaliland kasoo tarxiilay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa ugu danbeyn Gaadiidkii siday ay ku daadiyeen degaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dadkan oo ay sideen Gaadiid fara badan ayaa xalay xilli danbe gaaray degmada Burtinle gobolka Nugaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiinta iyo dadka degaanka, waxayna kadib usoo gudbeen oo saaka soo gaareen Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta iyo Dadweynaha gobolka Mudug ayaa soo dhoweeyay Dadkaasi oo gaaraya in kabadan 700 qof oo u badan ganacsato iyo qoysaskoodii deganaa magaalada Laascaanood, waxaana loo fidiyey taageero iyo daryeel kooban.

Ad

Qaar ka mid ah dadka laga masaafuriyay magaalada Laasacaanood ayaa sheegay in lagu qaaday ilaa sagaal gaari waxayna inta aku dareen in hantidii iyo ganacasyiyadii ay lahaayeen ay halkaa kaga soo tageen.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Mudug, Maxamed Waloore iyo duqa degmada Gaalkacyo, Maxamuud Cabdinuur ayaa degaanka Dus-mada Gaalkacyo oo ay ku hakadeen kula kulmayh dadka oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Tallaabada ay Somaliland kusoo raaftay dadkan, ugana soo saartay magaaladii ay ku noolaayeen iyadoo sababtu tahay inay kasoo jeedaan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka K/Galbeed, Siyaasiyiin iyo dad magac ku leh bulshada, waxayna ku tilmaameen cunsurinimo aan hore loo rag.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people standing and road
May be an image of 13 people, child, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, child, people standing, people sitting and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON