Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida, magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo taagay 13 qof oo lagu soo eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Qaraxii lala beegsaday diyaaradii Daallo ee hawada Muqdisho qarax kula dhacay markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Maxkamadda ayaa la hor keenay dadkan oo isugu jiray shaqaalaha garoonka iyo saraakiil amni ayaa lagu dhageystay kiisaskooda, waxaana la sheegay inay maxkamaddu socon doonto.
Ninka qarxiyay diyaaradda oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaam Boorleh ayaa waxaa gacan siiyay dad fara badan oo qaarkood ay yihiin saraakiil NISA ka tirsan.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com