Waxaa sii kordhaya saameynta uu yeeshay cudurka Coronavirus oo hadda gaaray 158 dal oo caalamka ku yaalla iydoo ay qabaan dad gaaraya 170,000 qof.
Talyaaniga ayaa laga diiwaan geliyey 24-kii ee ugu danbeeyay geerida dadkii ugu badnaa maalin qura iyadoo ay shalay dalkaasi cudurka Coronavirus ugu dhinteen 368 qof, waxaana dadka cudurka qaba ee dalkaasi ay gaareen 24,747. Italy waa dalka ugu darran ee cudurkan uu saameeyay kadib China.
Dowladdaha Dunida ayaa qaadaya tallaabooyin ay uga hortegayaan faafista cudurka, waxayna joojiyeen in la galo ama laga baxo dalalkooda, waxay hakiyeen waxbarashadii iyadoo la xiray jaamacadaha iyo dugsiyada, waxaa kaloo kaloo la joojiyey inay dadku isugu yimaadaan munaasabadaha goobaha caamka ah, iyadoo dalal fara badan ay xududahooda xireen, isla markaana dadka ku amreen inaysan guryahooda kasoo bixin.
Iiraan oo ah dalka saddexaad ee ugu daran saameynta cudurka Coronavirus ayaa in 100 qof oo kale ay u dhinteen cudurka 24-kii saac ee ugu danbeysay, waxaana hadda inta la shaaciyey dalkaasi ku sugan dad gaaraya 14,000 qof oo qaba Coronavirus.
Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 3 qof oo kale laga helay cudurka Corona, kadib qofkii ugu horeeyay ee Jimcihii la shaaciyey inuu qabto cudurka oo ahaa qof u dhashay dalka Japan, waxaana dadk cudurka laga helay ee gudaha Itoobiya ay gaareen 4 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in saddexda qof ee cusub ay kala yihiin haweeney Itoobiyaan ah oo 42 sano jir ah iyo laba qof oo Japan u dhashay oo xiriir toos ah la lahaa qofkii ugu horeeyay ee cudurka laga helay, markii raadraac lagu sameeyay bukaankii hore.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa dadkooda kala hadlaya cudurkan iyadoo saacad waliba ay soo baxayaan amarro ku saabsan sida loola tacaalayo cudurkan, waxaana madaxdii ugu danbeysay ka mida madaxweynayaasha Mareykanka, Kenya, South Africa, Lubnan, Amiirka dalka Qatar iyo madax kale.
Somalia ayaa dalkeeda ka mamnuucday dadka ka yimid dalalka China, Italy, South Korea iyo Iran, iyadoo tallaabooyin kale oo muuqda la qaadin, waxaana weli socda duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Itoobiya oo cudurku soo gaaray.
Culimada Azhar iyo Hay’adda Culimada dunida ayaa jawaab diini ah kasoo saaray cudurkan iyo saameynta uu ku yeelan karo salaadaha Jimcada iyo Jamaacadda, waxayna caddeeyeen in dadku guryahooda ku tukadaan dalalka uu cudurka halista ku hayo.
HOOS KA AKHRISO SHAXDA CUDURKA IYO DALALKA UU SAAMEEYAY
Dadka qaba | Geerida | |
---|---|---|
Mainland China | 80,844 | 3,199 |
Italy | 21,157 | 1,441 |
Iran | 12,729 | 608 |
South Korea | 8,086 | 72 |
Spain | 5,753 | 136 |
France | 4,469 | 91 |
Germany | 3,795 | 8 |
United States | 1,678 | 41 |
Switzerland | 1,359 | 10 |
United Kingdom | 1,144 | 21 |
Netherlands | 959 | 12 |
Sweden | 924 | |
Norway | 907 | 1 |
Denmark | 827 | |
Japan | 780 | 22 |
Belgium | 689 | |
Austria | 655 | 1 |
Qatar | 337 | |
Greece | 227 | 1 |
Singapore | 212 | |
Bahrain | 211 | |
Australia | 197 | 3 |
Malaysia | 197 | |
Canada | 176 | 1 |
Czech Republic | 150 | |
Hong Kong | 141 | 4 |
Slovenia | 141 | |
Ireland | 128 | 1 |
Brazil | 121 | |
Portugal | 112 | |
Romania | 112 | |
Finland | 109 | |
Kuwait | 104 | |
Saudi Arabia | 103 | |
Israel | 100 | |
Egypt | 93 | 2 |
Iraq | 93 | 9 |
Lebanon | 93 | 4 |
UAE | 85 | |
India | 84 | 2 |
Estonia | 79 | |
Thailand | 75 | 1 |
Indonesia | 69 | 3 |
San Marino | 66 | 2 |
Philippines | 64 | 2 |
Poland | 62 | 1 |
Chile | 61 | |
Iceland | 61 | |
Taiwan | 53 | 1 |
Vietnam | 48 | |
Argentina | 45 | 4 |
Slovakia | 42 | |
Serbia | 41 | |
Albania | 38 | 1 |
Luxembourg | 38 | 1 |
W. Bank + Gaza | 38 | |
Algeria | 37 | 2 |
Russia | 34 | |
Georgia | 30 | |
Pakistan | 28 | |
Peru | 28 | |
Croatia | 27 | |
Panama | 27 | 1 |
Mexico | 26 | |
Brunei | 25 | |
Hungary | 25 | |
Colombia | 24 | |
South Africa | 24 | |
Costa Rica | 23 | |
Ecuador | 23 | |
Belarus | 21 | |
Oman | 20 | |
Azerbaijan | 19 | |
Morocco | 18 | 1 |
Latvia | 16 | |
Tunisia | 16 | |
Cyprus | 14 | |
North Macedonia | 13 | |
Malta | 12 | |
Bosnia | 11 | |
Afghanistan | 10 | |
Macao | 10 | |
Martinique | 10 | |
Senegal | 10 | |
Faroe Islands | 9 | |
Maldives | 9 | |
Armenia | 8 | |
Lithuania | 8 | |
Moldova | 8 | |
Bulgaria | 7 | 1 |
Cambodia | 7 | |
Guyana | 7 | 1 |
Jamaica | 7 | |
French Guiana | 6 | |
Kazakhstan | 6 | |
New Zealand | 6 | |
Paraguay | 6 | |
Réunion | 6 | |
Sri Lanka | 6 | |
Dominican Republic | 5 | |
Turkey | 5 | |
Cuba | 4 | |
Liechtenstein | 4 | |
Bangladesh | 3 | |
Bolivia | 3 | |
Cameroon | 3 | |
Guadeloupe | 3 | |
Ivory Coast | 3 | |
Puerto Rico | 3 | |
Ukraine | 3 | 1 |
Andorra | 2 | |
Burkina Faso | 2 | |
D.R. Congo | 2 | |
Honduras | 2 | |
Jersey | 2 | |
Monaco | 2 | |
Namibia | 2 | |
Nigeria | 2 | |
Saint Martin | 2 | |
Venezuela | 2 | |
Antigua and Barbuda | 1 | |
Bhutan | 1 | |
Cayman Islands | 1 | |
Equatorial Guinea | 1 | |
Eswatini | 1 | |
Ethiopia | 1 | |
French Polynesia | 1 | |
Gabon | 1 | |
Ghana | 1 | |
Gibraltar | 1 | |
Guernsey | 1 | |
Guinea | 1 | |
Jordan | 1 | |
Kenya | 1 | |
Mauritania | 1 | |
Mayotte | 1 | |
Mongolia | 1 | |
Nepal | 1 | |
Saint Barthelemy | 1 | |
Saint Vincent and the Grenadines | 1 | |
Sudan | 1 | |
Togo | 1 | |
Trinidad and Tobago | 1 | |
Vatican City | 1 | |
Other | 697 | 7 |