Dadweynaha Asmara oo si aan hore loo arag u soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya [Daawo Sawirro]

0

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasho rasmi ah uga bilaabtay dalka Erteria oo muddo dheer ay colaad kala dhaxeysay ayaa dadka magaalada Asmara kala kulmay soo dhoweyntii ugu weyneyd.

Kumanaan kun dad ah oo wata calamada Itoobiya ayaa isugu soo baxay wadooyinka, waxaana soo dhoweyntaasi ay noqotay mid lama filaan ah oo dadka go’doonka ku jiyu ee reer Erteria ay ku muujiyeen sida ay u jecel yihiin inuu dib u soo laabto xiriirkii labada dal ee hore u mideysnaa.

Madaxweynaha Erteria Isias Afwerki ayaa Garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyay wafdiga Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxayna tani ka dambeysay markii Itoobiya ay ku dhawaaqday inay aqbashay go’aankii magaalada la isku heystay ee Badne ku wareejinaya dalka Erteria.

DAAWO SAWIRRO