Sunday, July 13, 2025

Dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka socda degaano ka tirsan Warsheekh, Sh/Dhexe

8 qof ayaa ku geeriyootay  6 kalena way ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Bashaqle oo ka tirsan dagmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa ka danbeeyay xiisad colaadeed oo laba beelood oo wada degan degaankaasi wada degan.

Dagaal-Beeleed

Dagaalkan oo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa uu u dhaxeeyaa labo beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga, kuwaasoo isku heysta dhul daaqsin leh deegaankaasi ku yaala oo qolo waliba dhinaceeda ay sheeganeyso in ay iyadu leedahay, taasoo muddo soo taagneyd.

Dagaalkan saakay bilawday ayaa ilaa iminka socda mana jirto cid kala dhex gashay labada beelood, waxana jirta gurmadyo ciidan oo soo gaaraya labada dhinac ee dagaalamaya, iyadoo khasaaruhuna uu sii kordhayo. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab uu lug ku leeyahay dagaalka isagoo u diray saanad iyo ciidan.

Waa markii 4-aad ee uu dib usoo laabto dagaalkan muddooyinkan danbe soo noqnoqday sanado horena dhex maray labada beelood ee hadda dagaalamaya, iyadoo tirada dhimashada ee labada dhinac ay sare u dhaafray 30 ruux sida ay xaqiijinayaan waxgaradka deegaankaasi ku dhaqan.

Xigasho: Banadir.net

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON