Sunday, July 13, 2025

Dagaal beeleed ka qarxay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe iyo Tuulo caan ah oo la gubay

Dagaal beel ka qarxay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa dhaliyay qasaare naf iyo maal leh.

Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya dagaalkan uu saameyn ku yeeshay tuulada Jameeco ee degmada Balcad, taasoo lagu gubay dagaal saaka ku dhex maray laba maleeshiyo beeleed.

Qof ayaa la soo weriyay inuu ku dhintay, iyadoo Tuuladu ay weli gubaneyso ayna ku bas beeleen guryo iyo hanti fara badan. Dadkii tuulada ku noolaa ayaa ka barakacay oo isaga qaxay dhammaantood.

Tuulada Jameeco-misra oo ahayd tuulo beeraley ah oo wax soo saarka caan ku ahayd ayaa lasoo weriyay inay gubaneyso, waxaana fashilmay dadaal ay wadeen maamulka degmada Balcad oo intii aanu bilaaban dagaalka lagu qaaday Tuulada halkaasi u joogay waanwaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON