Friday, June 27, 2025

Dagaal beeleed ka qarxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Dagaal beeleed cusub ayaa dib uga qarxay magaalada  magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose kadib markii laba beelood oo muddo dheer dagaal ka dhaxeeyay ay isku dhaceen.

Dagaalka oo shalay galab iyo xalay socday ayaa la soo weriyay in lagu gubay Garaash iyo Guri, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararkii ugu danbeyay ee saaka laga helayo ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, laakiin xiisad weyn ay weli taagan tahay iyadoo ciidamada AMISOM aanay wax tallaabo ah qaadin.

Xaafadaha xiisad colaadeed ka taagan tahay ee lagu dagaalamay waxaa ka mida: Buulo Jaan, Buufoow iyo Ayuub. waxgarad ku sugan magaalada ayaa wada waanwaan ay ku doonayaan inay xaalada ku qaboojiyaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON