In ka badan 20-qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaallo beeleed qaraar oo ka dhacay tuulada Qorilley ee duleedka magaalada Laas-caanood u jirta 90-Km ee Xarunta Gobolka Sool.
Dagaalkan ayaa ah mid u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo marar badan ku dagaalamay halkaasi, laakiin dagaalkii maanta ayaa la sheegay mid qasaare badan dhaliyay oo aad u culus oo hub culus la isku adeegsaday.
Maleeshiyada weerarka qaaday ayaa ka duushay dhinaca degmada Burtinle. Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya in isbitaalka Laascaanood la geeyay 10-ruux oo dhaawacyo soo gaareen. Baaqyo kala duwan ayaa soo baxaya oo labada beelood loo jeedinayo si ay u joojiyaan dagaalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]