Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalkii ka socday degmada Ceel Afweyn uu sii xoogeystay, iyadoo qasaaraha dagaalkaasina uu sii kordhay.
Dagaalkan oo ah mid soo noqnoqday, una dhaxeeya laba beelood oo degaanka wada dega ayaa dib u qarxay toddobaadkii hore, waxaana, waxaana wararku sheegayaan in dagaalkii ugu danbeeyay uud hacay shalay gelinkii dambe, iyadoo labada dhinac ay isku fara saareen deegaanka Duud-caraalle iyo deegaanno kale oo u dhow, waxaana la isku adeegsanayaa hubka gaadiidka dagaalka.
Dadka ku dhintay dagaalka soo cusboonaaday ayaa ka badan 30 qof, iyadoo dhaawacuna intaas ka badan yahay, waxaana halkaasi ku sii jeeda ciidamada Somaliland oo halkaasi loo diray kadib markii uu amar ku bixiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in ciidamada ay kala dhex galaan.