Ciidamada Nabadsugidda Galmudug ayaa dagaal qaraar la galay koox isbaaro u taalay degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo markii ciidamadu isku dayeen inay qaadaan isbaaradaasi ay dagaal kala hor yimaadeen maleeshiyadii isbaarada.
Dagaalka oo maanta gelinkii danbe ka dhacay Godin-labe ayaa waxaa lagu dilay laba ka mida maleeshiyadii isbaarada u taalay goobtaasi, midka kalena uu ahaa qof rayid ah.
Qasaare kale ayaa lasoo weriyay inuu dagaalkaasi sababay, waxayna arrintan qeyb ka tahay dagaal maamulka Galmudug kula jiro isbaarooyinka bilqan degaanadiisa.
Goobjooge.com