Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Alshabab ayaa ka qarxay Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug . Dagaalka oo goor dhoweyd qarxay ayaa dadka Degaanka ay sheegayaan in dhawaaqa rasaasta laga Mankato degaankaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Tuulo la yiraado Kuul oo u dhaw Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in Dagaalka labada Dhinac u dhexeeya la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala duwan.
Degaanada uu Dagaalka ka dhacay Saaka ayaa la sheegay in ay yihiin Goobihii Ciidamada Puntland ay ku hor fadhiyeen Shabaabkii dhawaan qabsaday Degaanka Garacad.
Ciidamada Puntland oo degaankaasi ku sugnaa ayaa intii aysan wax weearar ah qaadin lagu soo kediyay dagaalka saaka qarxay, waxaana muuqata in aag dagaal cusub ay fureen Alshabab.
Goobjooge.com