Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal qaraar ka qarxay Galbeedka, iyadoo hub culus la isku weydaarsanayo. Dagaalka ayaa ka socda xaafadda Howlwadaag ee galbeedka Magaalada.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyaa maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, waxaana dhawaaq rasaasta la isweydaarsanayo laga maqlayo guud ahaan magaalada Beledweyne.
Waxaa xirmay goobaha ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka rayidka, kaddib markii rasaas wiifto ah ay ku dhacday goobo ay dadku ku badan yihiin, waxaana la soo sheegayaa dhaawac iyo dhimasho dagaalka ka dhashay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa in dagaalka aad u culus yahay, wuxuuna dhex marayaa beelo dhow jeer ku dagaalamay halkaasi.
Goobjooge.com