Waxaa dagaal qoraalka ah uu barta xiriirta bulshada ee Facebook ku dhex maray Musharax Madaxweyne Maxamed Cali (Ameriko) iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.
Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii bartiisa Facebook uu murashax Maxamed Cali Ameeriko soo dhigay wiil yar oo 12 jir ah, kaasoo aan helin xuquuqdii uu lahaa, isagoo ku eedeyay dowladda hadda jirta. Wuxuuna qoraalkiisu u qornaa sidan:
“Maanta anigoo jooga maqayad ku taal Xamar, wiilkaan yar, Ismail, wuxu igu yiri “Adeer kabaha Ma kuu casayn karaa?”Aniga Iyo dadki ila socday waan u dhiibanay kabahena inuu noo soo caseyo. Marku soo caseeyay ayan ku iri ii sheeg telefonkada si aan kugu soo diro lacagta, number ayuu I siiyay oo igu yiri waa numberka hoyaday. Waxan weydiiyay adiga number Ma qabtid miyaa, waa qabaa laakin wixi aan shaqeyo hoyaday ayan u diraa ayu yiri , oo guriga joogto oo walaalahay ayay haysaa, Aabahayna wuu dhintay. Wuxu igu yiri 12 sano ayan jiraa, laba Maalmood Kaliya Ayaan skool adaa sababtoo aha Ma bixin karno lacagta skoolka. Wuxuu ii sheegay inuu dhigto fasalka labaad ee dugsiga hoose, waxay ahayd inuu dhigto fasalka 6aad AMA 7aad. Skuul lacag la’aan inuu helo ayay ahayd, sidaan markaan yarayn wax ugu soo baranay. Wiilkaan oo kale ayaa Somaliya ka buuxa, oo u baahan kaalmo. Walaalayaal aan kaalmayno dhibayanaasha. Insha Allah skoolka Ismail waan ka bixin doonaa. Walaalayaal qofki rabo inuu kaalmeeyo Ismail, fadlan ugu dira hoyadiis Jamila , +252618713296.
MUDDO KA DIB WAXAA ARRINTA JAWAAB KA BIXIYAY XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD OO QORAALKIISA JAWAABTA AHAA KU YIRI:
“Asc asxaabey. Salaan kadib Safiirku waa mahadsanyahay. Wuxuu la kulmay Safiirku sida uu noo sheegay wiil danyar ah. Agoona ah. Schoolna dhigta. Kadibna wuxuu Safiirku noo soo bandhigay inla kaalmeeyo wiilkaas yar.! Hadaba waxaa iga su’aal ah: Hadiiba Safiir Ali la kulmay wiilkaas yar ee Agoonka ah. Maadaama uu rabo Safiirku inuu hugaamiyo Ummad, una sharaxan yahay Madaxweyne inuu u noqdo dhowr iyo toban milyan oo Soomaali ah ma halkaas wiil ayuu kafaala qaadi waayay Safiirku?..
Hadaba anigoo xildhibaan ah, aaminsana Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed in mas’uuliyadi iga saarantahay waxaan kafaala qaadaya waxbarshada wiilkaasi yar. Isaga oo dhigan doona school lada dowladu leedahay ee sida lacag la’aanta ah kumanaanka ardayda ah sida Ismaaciil oo kale wax uga bartaan. Inta aan noolahayna aniga ayaa kafaala qaadaya noloshiisa iyo inshaa’allaah. Mahadsanidiin”
Marka la eego sida labada mas’uul arrinta u soo bandhigeen waxay gebi ahaanta u muuqataa mid halagaa sheego ah oo aan haba yaraatee sadaqo iyo wax u qabasho ahayn…
Musharax Maxamed Cali Americo inuu wiilkaas miskiinta ah baraha bulshada ku faafiyo ma aha wax fiican, sababtoo ah waxa kaliya ee loo qaadan karo waa inuu musharaxnimadiisa uga faa’iideyso, haddiiba uu wax u qabanayo waxay ahayd inuu wiilkaas iyo kumamaanka kale ee la mida uu wax u qabto sida Xildhibaan Yuusuf Xeyle oo uu ka xoolo iyo aqoon badan yahay.
Xildhibaan Mahad Salaad, isaguna waxaa ku habooneyd inuu ka gaabsado arrintan, wuxuuna xaaladda oo dhan ka dhigay olole doorasho, isagoo u daneynaya kooxdiisa iyo ololaha ay ku jirto.
Ugu danbeyn waxaa naga talo ah in umadda dhibaateysan ee Soomaaliyeed aanay musharixiinta xil doonka ah iyo kuwa taageerayaasha ah u adeegsan danahooda gurracan ee ay isku xishooadaan.
Goobjooge.com