Thursday, June 26, 2025

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Galmudug & Alshabaab oo ka socda Bariga Mudug

Wararka lga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhex qarxay  ciidamada Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab, dagaalka oo ah kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex maray ayaa wararku sheegayaan inuu ka socdo degaanka Shire ee duleedka Tuulada Budbud ee Bariga Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa ku waramaya in dagaalka oo saaka qarxay la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo kan fudud, waxaana dagaalku intiisa badan ka socdaa tuulada Shire ee u dhow Degaanka Budbud oo ka mida deganaada Bariga Gobolka Mudug ee Galmudug hoos taga.

Maleeshiyada Alshabaab oo ka badan 200 ayaa la sheegay inay yihiin kuwii dagaalka ka galay degaanka Garacad oo ciidamada Puntland ka saareen degaankaasi.

Dagaalkan oo weli socda ayaan la ogeyn qasaaraga ka dhashay, waxaana la sugayaa warar dheeraad ah oo ka soo baxa maamulka Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON