Sunday, July 13, 2025

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Alshabaabkii gaaray Xeebaha Gobolka Nugaal

Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada maamulkaasi iyo maleeshiyada Alshabaab ee maalmihii ugu dambeeyay ku qulqulayay degaanada xeebaha Puntland.

Dagaalkan ayaa laga soo weriyay inuu ka dhacay duleedka degaanka Garmaal ee bariga Gobolka Nugaal, halka loo yaqaan Suuj oo Alshabaab ay isugu tageen.

Dadka degaanka ayaa soo weriyay in ciidamada Puntland ay  xalay saqdii dhexe kadib gaareen degaanada ay qabsadeen Alshabaab ee Mudug iyo Nugaal iyagoo doonaya inay halkaasi ka saaraan, waana dagaalkii ugu horeeyay oo labada dhinac dhex mara.

Ciidamada Puntland ayaa isku dayaya inay hareereeyaan kooxaha Alshabaab ee xeebaha maamulkaasi ka degay, waxaana laga cabsi qabaa dagaallo cusub oo labada dhinac ku dhex mara degaanada xeebaha Mudug, Nugaal iyo Bari.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON