Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday xalay Hotel caan ah oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Dabley mintidiin ah ayaa gudaha u galay Hotelke Intercontinental oo an hotel weyn oo ku yaalla magaalada Kabul, kaasoo ay degaan mas’uuliyiin iyo dad ajnabi ah, waxaana wararku sheegayaan in ilaa saaka ay rasaas ka socoto hotelka.
Qeybta kore ee hotelka ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin dad fara badan oo dableyda weerarka qaaday ay ku heystaan, waxaana hotelka isku wareejiyay ciidamada gaarka ah ee Afghanistan oo ilaa xalay la dagaalamaya dableyda.
Ilaa hadda waxaa la sheegay inay weerarka ku dhinteen 15 qof iyo laba ka mida dableyda weerarka ku qaaday hotelka, dableyda ayaa dab qabadsiiyey dabaqa afraad ee hotelka, iyagoo markaas kadib la wareegay dabaqa labaad oo ay dad ku heystaan.