Ciidamada Booliska iyo nin ku hubeysan Bambooyin ayaa dagaal caawa ku dhex maray xaafadda Baar Ayaan ee degmada Wardhiigley, magaalada Muqdisho.
Ninka ayaa weerar ku qaaday ciidamada isagoo ku tuuray laba Bam gacmeed uu ku weerarray saldhiga Wardhiigley, kadibna waxaa baacsaday ciidamada oo rasaas ku eryaday, laakiin wuxuu galay guri xaafadda ku yaalla oo in muddo ah ciidamadu ay kula dagaalamayeen.
Wararka ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay ugu danbeyn qabteen ninkii weerarka Bam gacmeeyada ku qaaday, waxaana lasoo gabagabeeyay howlgalka oo qaatay wax ka badan saacad.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ayaa sheegtay in dableyda ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga kadib markii la ceyrsaday in muddo ahna ay rasaas is weydaarsadeen isaga iyo ciidamada, markii uu galay guri, kadibna ay ciidamada isagoo nool gacanta ku soo dhigeen.
Rasaas ayaa in muddo ah ka socotay guriga uu ninka galay, waxaana xaafadda ka cararray dadkii ku dhowaa gurigaasi inta uu howlgalka socday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ninka la qabtay oo dhaawac ahaa uu isbitaalka ku geeriyooday, waxaan howlgalka ku dhaawacmay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska.