Sunday, June 22, 2025

Dagaal Qaraar oo ka socda duleedka Dhuusmareeb iyo Ahlu suna oo dib u qabsatay degaanka Bohol

Ahlu suna ayaa dagaal rogaal celis ah dib ugu qabsatay degaanka Bohol, waxayna sheegtay inay qabsatay Gaadiid dagaal

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada Galmudug iyo maleeshiyo taacbacsan Ahlu suna ku dhex maray degaanka Bohol oo 35 KM u jira magaalada Dhuusamareeb.

Maleeshiyada taabacsan Ahlu Sunna ayaa la sheegay inay weerar culus dib u qabsadeen Galabta deegaanka Bohol oo Duhurnimadii maanta ay kala wareegeen Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Ad

Dagaalka oo weli socda, lana maqlayo rasaasta kal duwan ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey in ilaa 10 qof oo laba dhinac ah ay ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

Maleeshiyada Ahlu Suna ayaa sheegtay inay dagaalka ku qabsatay Gaari Beebe ah iyo mid kale oo Cabdi Bille ah, waxaana wararku sheeyaan in colaad halkaasi ka taagan tahay oo labada dhinac ay is urursanayaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu iskiis u istaagay caaw, mana jirto waxx waanwaan ah oo dagaalka lagu dhex galay, balse dhinacyadii ayaa iskood ugu kala tagay deegaanka Bohol.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON