Monday, July 14, 2025

Dahab lagu qiimeeyay Hal Milyan oo Doolar oo lagu qabtay Nin ku safrayey Garoon ku yaalla Nairobi

Nin u dhashay dalka Tanzaniya ayaa lagu xiray dalka Kenya ka hor inta uusan korin diyaarad ku sii jeeday magaalada Dubai.

Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo doolar. Ninkan Tanzaaniyaanka ah oo 46 jirka ah ayaa markii la xirayay waxa uu siday 32 kg oo ah dahabkan qiimaha badan.

Hay’adda Dakhliyada Kenya ayaa sheegtay ninka Dahabkan watay uu ka yimid magaalada Mwanza ee Tanzania, isgoo ku sii jeeday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Dahabka lagu qabtay ninkan ayaa gaaraya 32 kgs iyo qiime dhan $859,890.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa ninkan ku qabtay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi jimcihii. Laamaha dowladda ayaa sheegay in tillaabadan ay qaadeen ka dib markii ay heleen macluumaad arrintan ku saabsan.

Sida uu qoray wargayska Standard ninkani ayaa ka yimid degaanka Mwanza isaga oo soo maray Kilimanjaro. Booliiska Kenya ayaa imika wada baaritaan arrintan ku la xiriira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON