Thursday, June 26, 2025

Dalal Afrikaan ah oo dalbaday Daawo- Dhireed ay Madagascar u soo saartay Covid-19 & Digniin…

Dalal Afrikaan ayaa ku biiraya liiska dalalka dalbanaya Daawo-dhireedka ay soo saaray dalka Madagascar ee la sheegay in lagu daweeyo Cudurka Coronavirus, taasoo uu dhowaan ku dhawaaqay madaxweynaha dalkaasi Andry Rajoelina.

Dalka Tanzania ayaa ugu danbeeyay dalalka Afrika ee dalbaday daawo-dhireedkani, waxaana hore loogu dhoofiyey dalalka Guinea-Bissau iyo After Equatorial Guinea oo bilaabay isticmaalkeeda, waxaa kaloo raadineysa cabitaankan dalka Senegal.

Andry Rajoelina
Madaxweyne Andry Rajoelina oo soo bandhigaya “dawada” cusub

Daawadan oo qaab cabitaan ah ama Sharoobo loo diyariyey ayaa laga sameeyay Dhirta loo yaqaan artemisia oo qeyb ahaan ka mida Daawada lagula tacaali jiray Cudurka malaariyada iyo dhir kale oo ka baxda Dakaasi.

Dhinaca kale Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa kad igtay inaysan jirin Daawo la xaqiijiyay in lagu dabiibi karo cudurka Covid-19, isla markaana aan wax baaritaan ah lagu sameyn cabitaanka ka yimid dalka Madagascar.

Madagascar ayaa waxaa cudurka Covid-19 qaba dad ka badan 150, waxaana ka bogsooday in ka badna 90 qof iyadoo aanay jirin cid u geeriyootay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON