Dalal cusub oo Afrika ah ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, iyadoo ay sii yareenayaan dalalka dunida ee aanu cudurkaasi gaarin.
Dalalka Uganda iyo Ereteriya ayaa noqday dalakii ugu danbeeyay ee Bariga iyo Geeska Afrika oo ku dhawaaqa in laga helay kiisas cudurka Corona ah, sida ay shaaciyeen labada dowladood waxaa laba qof oo socdaal ah ay cudurka geeyeen caasimadaha Asmara iyo Kampala.
Wasiirka Warfaafinta Ereteriya ayaa sheegay inu dhashay dalkaasi oo heysa deganaansha dalka Norway laga helay cudurka markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Asmara, isagoo soo maray Dubai dalka Imaaraadka Caraba wuxuuna la socday diyaaradda Fly Dubai, kaasoo hadda la karaantiilay, waxaana sidoo kale la karaantiilay dadkii la socday.
Dhinaca kale wasiirka Caafimaadka ee dlka Uganda Jane Ruth Aceng ayaa shaacisay in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga helay dalkaasi, kadib markii la baaray nin 36 sano jir ah Uganda u dhashay, kana ka yimid Dubai shalay oo la socda diyaaradda Ethiopian Airlines.
Waxaa kaloo cudurka laga helay dalka Angola oo shaaciyey in kiisaskii ug horeeyay laga helay laba rag ah oo kasoo laabtay dalka Portugal, sid uu shaaciyey wasiirka caafimaadka Angola Silvia Lutucuta.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in kiisas ka badan 1016 laga helay qaaradda Afrika, ayna sii kordheyso tirada.